Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa kulan la qaatay xiriirka kubada cagta KGS
Kulanka ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay wasiir ku xigeenka wasaarradda dhalinyarradda iyo ciyaaraha Agaasimaha guud ee wasaarradda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha
Wasiirka iyo Xiriirka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa kawada hadlay sidii loo hormarin lahaa sportska KGS loona gaarsiin lahaa dhamaan goboladda iyo degmooyinka KGS.
Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa waxaa ka go’an dib u soo nooleeynta Sportska KGS ayadoo dhawaanhaan wasaradu bilawday Dib u dayactirka Garoomo waa weeyn oo kuyaala qaar ka mid ah Degmooyinka KGS kuwaas oo uu ugu horeeyo garoonka ugu Weeyn Magalaada Baydhabo Ee Dr Ayuub .
Wasiir Najah ayaa xusay in haatan ay wadaan daadaalo badan oo lagu dhisayo garoomo lagu ciyaaro qeeybaha kala duwan ee Sportska si ay uga Faaiideystaan Dhalinyarada Ree KGS
SAWIRADA HOOS kA DAAWO