SAWIRO:Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Ku soo wajahaan Muqdisho

85

Ku-Simaha Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda goboledka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaaladda Muqdisho halkaasi oo uu kaga qeybgalayo Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya AHUN Cali Khaliif Galayr.

Dhinaca kale Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Allaha u naxariisto meydkii Dr. Cali Khaliif Galaydh in loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Diyaarada wada Meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan  garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran.

Maalintii shalay aheyd ayaa lagu waday in la keeno Muqdisho laakiin sababo jira ayaa dib loogu dhigay oo ay ka mid yihiin in baaritaano lagu sameeyo waxyaabaha keenay geeriddiisa.

Khamiistii ayuu geeriyooday Cali Khaliif Galeyr xilli uu ku sugnaa hoteel ku yaalla Jigjiga, waxaana maamulka ay sheegeen in uu u geeriyooday COVID 19.