Sawirro: Maamulka Sh/Hoose oo bilaabay dib u dayactirka Kanaallada iyo Buundooyinka

71

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo uu horkacayo guddoomiye Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa bilaabay dib u dayactir lagu sameynayo Kanaallada muhiimka u ah waraabka beeraha ee gobolkaasi.

Sidoo kale maamulka ayaa dib u dhisaya Buundooyinka ku yaalla gobolka oo qaarkood ay jareen maleeshiyada Al-Shabaab, si ay shacabka ugu dhibaateeyaan.

“Dib u dayactirka kanaallada waraabka ee muhiimka u ah beeraleyda Gobolka Shabeelaha Hoose iyo dhismaha buundooyinka waxay qeyb ka yihiin dadaallada Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka beeraleyda reer Shabeelaha Hoose.” ayuu yiri Madaale Ibrahim Adan Ali (Najah).

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in gobolka Shabeelaha Hoose uu caan ku yahay wax soo saarka, balse ay dhibaato ku yihiin cadowog Al-Shabaab, ayna iska xoreyn doonaan.

“Shabeelaha Hoose waa gobolka ugu wax-soo-saarka badan dhanka beeraha dalkeenna, hase yeeshee waxaa weli dhibaato ku haya kooxaha argagixisada. Insha Allaah dowlad iyo shacab anagoo isku duuban ayaan ka guuleysaneynaa cadowga nabadda iyo nolosha diiddan.” ayuu markale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Muddooyinkii dambe guddoomiye Najah ayaa dadaallo xoogan iyo dib u dhis ka waday degmooyinka gobolka Sh/ Hoose, si dib loogu soo celiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.