SAWIRR: Taliyaha saldhiga Booliska Afgooye oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin soo xaday caruur.

71

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagu qabtay  nin xaday  labbo caruur Soomaaliyeed oo ay waalidoontooda la’sanaayeen.

Ninkan  ayaa waxaa la arkay isagoo isku dayay in si xoog ah ay labo Caruur  oo yar yar kaxeysanayo kadibna waxa lau soo wargeliayay Ciidaama amaanka saldhiga Degmada Afgooye .

Ciidamda Booliska Saldhiga Booliska  degmada Afgooye ee Gobolka shabeeladda Hoose ayaa  ku guuleeystay in uu gacanta kusoo dhigo nin labo caruur  soo  xaday.

Taliyaha saldhiga Booliska  Afgooye  gashaanle dhaxe Cali Rooble ayaa waxaa uu sheegay in ay ku guuleysteen  in ay gacanta ku soo dhigaan Niinkan doonaayay in uu caruurtaan yar yara la baxsado .

Dhinaca kale Taliyaha saldhiga Booliska  Afgooye  gashaanle dhaxe Cali Rooble ayaa aad uga mahad celiyay Shacabka degmada Afgooye sida wanaagsan oo ay ula Shaqeeyaan Ciidamada iyo Maamulka degmada .

Taliyaha saldhiga Booliska  Afgooye  gashaanle dhaxe Cali Rooble  ayaa sheegay in marwalbaa mas’uliyad iska saarayn  ka shaqeynta  amniga iyo bad qabka shacabka degmada afgooye ku nool.

Muqdisho iyo gobollada Soomaaliya ayaa  waxaa kusoo badanaya dhacdooyinka la xiriira caruur da’ yar oo la xaday, taasi oo baqdin iyo wal wal badan ku keentay waalidiinta Soomaaliyeed.