Sawirro: Axmed Madoobe oo amar deg-deg ah siiyey laamaha amniga Jubbaland

48

Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa kulan la qaatay sarakiisha Hay’adaha Amniga ee Jubba-land,iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaannada dhacdooyinka dhinaca amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii shalay argagixisadu ay la beegsadeen dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin ka soo baxay masaajidul- Qadiim ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  faray ciidamada nabad sugidda iyo Booliska inay dardar galiyaan hawlgallada sugidda nabadgalyada muwaadiniinta, isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dhanka kale  sarakiisha ciidanka Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa degmooyinka Kismaayo iyo Af-madow, isagoo amaanay sida ciidamada geesiyada ah ay u naafeeyeen argagixisada.

Qaraxii shalay oo dadkii ku dhintay uu ka mid ahaa Gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabbi Kaahin ayaa haatan waxaa Kismaayo ka socda qabanqaabada aaskiisa.