Sawirro: Axmed Madoobe oo la kulmay xubnaha beesha caalamka

34

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Xubnaha uu Axmed Madoobe la kulmay waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Safiirka Ingiriiska Ben Fender iyo Wakiilo ka kala ka socday Maraykanka iyo Midowga Afrika.

Intiisa badan waxaa kulankan looga hadlay arimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka iyo ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa si qoto dheer loo falan qeeyay xaaladda kala guurka ah iyo sidii ay u dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay.