Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb oo si aad ah loogu soo dhoweeyey.
Xildhibaano, wasiiro iyo dadweyne ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb la kulmi doono madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Socdaalkiisa ayaa ku soo aadaya, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay magaaladaas lagu soo gabagabeeyey wejiga saddexaad ee shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.




