Sawirro: Ciidamada Xoogga dalka oo Miinooyin ka soo saaray duleedka Bariire

59

Ciidamada Xoogga dalka oo maanta howl-gallo ballaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku guuleystay inay soo saaraan miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadada xiriirisa deegaanada Baariire iyo Lambar Konton ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay qarxiyeen mid ka mid ah miinooyinkaasi, halka ay si caadi ah u soo saareen mid labaad, iyada oo aan qarxin.

Mid ka mid ah saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dooneysay inay qaraxyadaasi ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee wadada maraya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howl-gallada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.