Sawirro: Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo loo soo xiray tababar muhiim ah

29

Hey’adda Miinooyinka Qaramada Midoobey UNMAS ayaa koorso ku saabsan qaabka loo baaro, loona burburiyo miinooyinka argagaxisado sameyso u soo gabagabeesay cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM .

Tabarkan ayaa waxaa ka faa’iideystay ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Dhoobleey ee Gobalka Jubbada Hoose

UNMAS waxay sheegtay in talaabadan ay ka caawineyso in ciidanka AMISOM ay ka hortagaan qatarta ay leeyihiin miinooyinka macmalka ah ee loo yaqaan  IED.

Kooxda argagaxisada Al-Shabaab ayaa miinooyinkan u adeegsada shacabka, ciidmada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.