Sawirro:-Dab khasaaro geystay oo ka kacay Guri ku yaalla Muqdisho

19

Dab xoogan oo muddo ku dhow saacad socday ayaa waxaa uu Maanta ka kacay Guri ku yaalla waaxda barwaaqo ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dabkaas uu ahaa mid xoogan oo ka kacay Guri dhismo hore ah oo ku yaalla waaxda barwaaqo, isla markaana waxaa gurmad la sameeyay lagu guuleystay demintiisa.

Xubno ka tirsan Waaxda dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne ayaa demiyay dabka oo geystay khasaaro hantiyadeed, waxaana goobta buux dhaafiyay dad farabadan.

Sidoo kale Guriga uu dabka ka kacay ayaa waxaa degnaa dad kalluumeysato ah, iyadoona dabka uu baabi’iyay shabaag lagu soo dabo kalluunka iyo agabyo kale oo kalluumeysatada Isticmaalan, xiliyada ay aadayaan badda.

Ma jiro khasaaro nafeed oo dabkaas uu geystay, waxaana markii hore la sheegay in dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay Guriga oo dhismo horey ahaa, iyadoona goobta ay tageen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.