Sawirro:- Dab Xaley Kakacay Shuuqa Ganacsiga Ee Loo Yaqaan Dib-Ucurashada Ee Magaalada JigJiga.

36

Xalay abaaro 2dii habeenimo ama 8deedii danbe qofba sida uu uyaqaano waxa uu dab qabsaday suuqa ganacsiga alaabaha kala duwan ee loo yaqaan dibcurasho ee ku yaala xaafada 2aad ee magaalada JigJiga.

Dabkani oo aan lasababaynin sida uu ku dhacay ayay noo xaqijiyeen goob-joogayaal ay kamid yihiin dadka hantida gubatay iyo guryaha iskaleh, in uu kakacay hal meel islamarkaasina sababay in uu gaadho 7meharadood oo suuqani kamida.

Hadaba magaalada jigjiga oo ah caasimada Deegaanka Soomaalida ayay badanaa xili danbe tagaan adeega gurmadka dagdaga ah ee dabdamisku, sababaha ugu waawayn ee loo aanaynayo dabkani in si dhakhsa ah loo damin waayo kasokow in xili danbe ay ahayd, waa adeega gurmadka dagdaga ah oo xili dambe soo gaadhay Goobta.

Hadaba Shaqaalaha adeega gurmadka dag-daga ah ayaa mar aanu wax ka waydiinay sababaha kalifaya in wakhtigii loogu talagalay ay gaadhaan goobaha uu dabku kakaco, usababeeyay, in goobta biyaha ay udoontaan ay aad ufogtahay, sidoo kalana aysan haysan adeegii ufududaynayay guud ahaanba shaqada adag ee ay uhayaan bulshada.

Ugu dambyan Shacabka iyo Laamaha amniga oo is garabsanaya ayaa si wada jir ah udamiyay dabkani oo aan gaysan wax khasaare nafeed ah, marka lagatago hantida ku burburtay.