Sawirro: Deni & A/Madoobe Oo La Kulmay Beesha Caalamka

13

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan is mari-waaga doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Sidoo kale Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la wadaagay Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee  uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada.