Sawirro: Deno oo khudbad ka jeediyey xarunta golaha aqalka sare

30

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa maanta warbixin dhinacyo badan ahayd la wadaagay Guddoomiyaha golaha Aqalka-sare iyo xildhibaanno ka tirsan DFS.

Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyay u jeedka safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho isagoo sheegay in ay dan soomaaliyeed u yimaadeen.

“Wixii Dhuusamarreeb ka soo baxay ayaan wadahalkood u nimid, Madaxweyne Farmaajo habeen hore ayaan wada cashaynay, waana ballan sannahay, intay doonto ha qaadatee waxaan halkan u joogaynaa dan Soomaaliyeed,Soomaali wax ay isku khilaafka karto ani iima muuqdaan, Al-Shabaab maahee cid kale horusocodka dalka Soomaaliyeed ma diidi karto, waxkasta oo Soomaali dan u ah Puntland diyaar bay u tahay” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Isagoo hadalkiisa siiwata ayuu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in heshiis laga gaaro khilaafaadka jira iyo dhaqan galintooda.

“Waxa aan annaga xili walba dhowreynaa waxa lagu heshiiyay, waxa qabyada ahna laga doodo, maalinta laga heshiiyana noqdo sharci, cidwalba ka sarreeya oo in la ixtiraamo tahay, waxaan rabnaa in dowladnimada lagu dhaqmo” ayuu yiri Deni

Hadalka Madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya xili magaalada Muqdisho uusan wali ka furmin shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Sawirro