Sawirro: DF oo dalka ku soo celisay Soomaali ku xayirneyd dalka K/Afrika

21

Safaaradda Soomaaliye ee Koonfur Afrika ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin gaaraya 49 qof oo isugu jira dhallinyaro, Hooyooyin iyo carruur, kuwaas oo ku xanibnaa dalkaasi kaddib markii Dowladda Koonfur Afrika saartay bandow, ayadoo wali ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.

Muwaadiniintan oo doonayay inay dalkooda Hooyo dib ugu laabtaan ayaa ku xayirnaa dalkaas tan iyo intii uu bilowday cudurka COVID-19, waxayna Dowladda Koonfur Afrika gebi ahaanba joojisay bisha March ee sanadkan safarada lagu aadi jiray Adduunka,marka laga reebo muwaadiniinta dalkooda dib ugu laabanaya.

Dadkan ayaa ka mahadceliyay dadaalka ay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ay sameysay, waxa ayna sheegeen in Safaaradda ay qeyb weyn ka qaadatay dib u celinta dalkooda.Kelkar Agency oo ah Shirkad Duulimaad ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka qeyb qaadatay fududeynta Muwaadiniintan sidii dalkooda Hooyo dib loogu soo celin lahaa.Maamulaha Shirkaddan Idris Kelkar ayaa sheegay in ay iska kaashadeen Safaaradda sidii dalkooda dib loogu celin lahaa muwaadiniinta xaniban, isagoo xusay inay xoojinayaan la shaqeynta Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika.Dalka Koonfur Afrika waxa uu ka mid yahay dalalka sida ba’an u saameeyay cudurka COVID-19, waxaana wali saaran xiyaarad inkastoo todobaadkii hore la qafiifiyay iyadoo ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.