Sawirro: DF Soomaaliya oo gaadiid gaashaaman kala wareegtay Turkiga

108

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta Turkiga kala wareegtay gaadiid gaashaaman oo ah nooca casriga ah,kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa gaadiidkan ku wareejiyey dowladda Soomaaliya, kaas oo ay isticmaali doonaan ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goob-joog ahaa wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo gaadiidka la wareegay, taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Genaraal Odowaa Yuusu Raage iyo saraakiil kale.

Gaadiidkan ay dowladda Soomaaliya ka heshay Turkiga ayaa ku soo aadaya, xilli aad loogu baahnaa, islamarkaana uu dalku ka socdo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii gaadiid dagaal ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay xukuumadda Ankara.