Sawirro: Duq Muqdisho Oo Daahfuray Ololaha Xoojinta Ka Hor-tagga Caronavirus

24

Guddoomiyaha Gobolka Bananadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta daah furay ololaha ka feejignaanta Caabuqa COVID-19 xilli qatarta Caabuqaan ay dunida ku soo laba kaclaynayso.

Ololahaan oo taageero ka helayo barnaamijka Dowladda Hoose ee UN JPLG ayaa loogu magac daray “Feejignoow, khatarta Caabuqa COVID-19 wali wey jirtaa” waxaana laga fulin doonaa dhamaan 17-ka degmo ee Gobolka Bananadir.

Waxaa goob joog ahaa munaasabadda uu Guddoomiyaha Gobolka ku daah furayay Barnaamijkaan maamulada degmooyinka, urarada dhallinyarada iyo Haweenka iyo sidoo kale Hawlwadeenada Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar.