SAWIRRO:-Gorgorkii 20-ka sano Basaaska ahaa oo Geeriyooday.

36

Warbaahinta  dalka Ruushka ayaa daabacday warka la xariira  in Gorgorkii 20-ka sano Basaaska ahaa oo Geeriyooday.

Warbaahinta ayaa Maanta hadal heysa in Gor gorkaan oo Rushku u isticmaalay Arrimaha Sirdoon muddo ka badan 20 sanno kuwaasi oo ku basaasi jiray wadamo badan oo Caalamka ah.

 Sida idinkaga muuqata qariiradada Gor-gorkan ayaa safar qaatay 20 sano ku maray dalal badan, sida lagu cadeyay GPS looga soo xeray Buura ku yaal waqooyiga dalka Ruushka.

Markii dambe Gor-gorkan ayaa ku geeriyooday dooxa ku taal Dalka Sacuudi Carabiya, balse sheekada xiisaha leh ayaa ah sida uga talaabay qaar ka mida marin biyoodyada caalamiga ah sida gacan Baabal Madndab xiligii uu uso gudbay dhinaca qaarada Africa.

Safarka gor-gorkan oo 20 sana qaatay ayaa  waxa uu ku maray wadamada  kala ah.

RUSSIA, Azerbijan, Khazakistan, Gegnia-(Jejniya) Afganistan, Pakistan, Ciraq, Turkiga, Yemen, Suudan Eriteria, Jabuuti, Iran iyo Sacuudi Carabia oo aakhirkii ku Geeriyooday .

Dalka Ruushka ayaa waxaa uu ka mid yahay wadadamada ugu sareeyo dhanka basasnimada  Ruushka ayaa waxa uu yahay dal sirdoonkiisa ay aad u sareeyan

Sirdoonada Caalamka ayaa waxaa ay Siyaabo kala duwan u adeegsadaan Shimbiraha  horaantii sanadkii2017-kii ayay aheyd markii dalalka Pakistan iyo India ay isku qabsadeyn Shimbir basas ahaa.