Sawirro:- Guddoomiyaha Degmada Baraawe oo kulan la qaatay Odayaasha iyo Ururada Rayidka.

31

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo maalmihii lasoo dhaafey safar shaqo ku joogey Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Konfur Galbeed ayaa maanta dib ugu laabtey Magaaalada Baraawe.

Guddoomiyaha oo Baydhabo kaga qeyb galayey Shirkii Guddoomiyayasha Gobollada iyo Degmooyinka Konfur Galbeed ayaa Odayasha dhaqanka iyo Ururada Rayidka oo kulan uu la qaatey waxa uu ugu warbixiyey socdaalkiisii iyo waxyaabihii usoo hirgalay kulamadii uu la qaatey Madaxda Konfur Galbeed iyo Shirarkii uu ka qeyb galay.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi looga hadlay horumarinta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  waxana ku jirta  sidi loo horumarin lahaa Caasimada  dowalda Goboledka koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baraawe.