Sawirro: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeer Sameeyey

30

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa manta kormeeray dhismaha ka socda Darjiinka dowladda hoose ee ku dhegan daarta Saciid Barqash ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska iyo bilic soo celinta xaruumaha muhimka u ah shacabka ku nool caasimadda dalka,isagoo beeniyay wararka sheegaya in la boobayo Darjiinkaasi, waxa  uuna bulshada Soomaaliyeed u sheegay in maamulka gobalku gacanta ku haayo dhismaha iyo dayac tirka ka socdo darjiinkaasi.

Darjiinkani ayaa waxa uu ku burburay dagaalladii sokeeye waxaana hadda dhismo ku wado dowladda hoose ee Xamar.