Sawirro: Guddoomiye Najah oo tartan xiiso badan ka daah-furay Janaale

93

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) oo maalmahan howlo horumarineed ka waday magaallo xeebeedka Marka ayaa dhanka kale tartan xiiso leh oo kubadda cagta ah ka daah-furay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Najah ayaa sheegay in tartankan loogu tala-galay is-dhexgalka bulshada iyo sidii loo hormarin lahaa isboortiga.

Illaa sideed kooxood oo ka dhisan Janaale ayaa qeyb-galaya tartankan xiisaha badan oo ay u soo daawasho tegaan dadweyne fara badan.

“Tartan kubadda cagta ah oo aan ugu tala-galnay is-dhex-galka bulshadda ayaaan u qabanay 8-kooxod oo ka dhisan Deegaanka Janaalle.” ayuu yiri Madaale Najah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxaha gala kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ay heli doonaan abaal-marino qaali ah oo uu guddoon siinayo maamulka gobolka.

“Kooxaha gala kaalinta 1-aad 2-aad iyo 3-aad waxaan guddoon siin doona abaal-marino.” ayuu sii raaciyey.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibarhim Adan Ali (Najah) ayaa todobaadyadii dambe shaqooyin adag ka qabtay gobolka, isaga oo mashaariic horumarineed xarigga ka jaray, kuwa kelana dhagax-dhigay, si loo hormariyo bulshada deegaanka.