Sawirro: Guddoomiye Najah & Mas’uuliyiin kale oo kormeer ku tegay degmada Afgooye

108

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) oo aan nasan habeen iyo maalin, tan iyo markii uu Shabeelaha Hoose fatahaada ka geystay webiga Shabelle ayaa maanta isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed waxay kormeer ku tegeen magaalada Afgooye oo ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey webiga Shabelle.

Kormeerkan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, Amb. Cali Siciid Fiqi, sidoo kalena waxaa qeyb ka ahaa wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, Mudane Xamse Siciid Xamze.

Mas’uuliyiintaani ayaa indho-indheeyey xaafadaha degmada Afgooye, gaar ahaan kuwa uu sida daran u sameeyey fatahaadda webiga Shabelle.

“Kormeer wadajir ah ayaa maanta ku soo sameenay xaafadaha uu ku fatahay wabiga Shabelle ee Degmada Afgooye waxaa na-hoggaaminayay Gudoomoyaha Golaha wakiilada Koonfurgalbeed soomaaliya Amb Ali Saciid Fiqi iyadoo uu qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka Dowladda FS Hamza Sacid Hamza.” ayuu yiri guddoomiye Najah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Wafdiga Gudoomiyaha ayaa indha-indheyn ku sameeyay Isbitaaalka Degmada oo iminka shaqeynaya iyo Buundada Degmada.”

Afgooye oo biyo badan ay dhex ceegaagan ayaa u baahan gurmad iyo hiil, si loo samata bixiyo dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan gudaha magaaladaasi.