Sawirro: Guddoomiye Najah oo dhagax-dhigay xarunta deegaanka Janaale

90

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa maanta dhagax-dhigay xaruntà maamulka deegaanka Janaale.

Najah oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in si deg-deg ah loo dhisi doono, si loogu adeego bulsho weynta ku dhaqan Janaale.

“Waxaan si rasmi ah u dhagax dhiggay dhismaha xarunta maamulka deegaanka Janaalle oo si deg deg ah aan u dhisi doono.” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale Najah oo u taagan horumarinta bulshada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kormeer ku sameeyey MCH-ka deegaanka Janaale, isaga oo amaanay shaqada ka socota.

Ugu dambeyn wuxuu ballan qaaday in mashaariic kale oo waxtar u leh dadka deegaanka ay ku fulin doonaan halkaasi.

“Waxaan kormeer guud ku sameynay MCH-ka deegaanka oo ay shaqa fiican ka socotay mashaariic hor leh ayaan ka fulin doona Janaale si aan u hormarin adeegyada bulshadda.” ayuu sii raaciyey

Madaale Najah oo muddooyinkan howlo shaqo u jooga degmada Marka iyo deegaanada ku xeeran ayaa ka sameeyey mashaariicyo horumarineed oo aad la mahdiyey.