Sawirro: Guddoomiye Najah oo kormeer ka sameeyey magaalada Marka

55

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo dib ugu laabtay magaalada Marka ayaa koremeer shaqo ka sameeyey gudaha magaaladaasi.

Najah ayaa kormeeray xarunta sare ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo haatan dhismaheedu ka socdo magaallo xeebeedka Marka.

Guddoomiyaha ayaa sheeegay in dhowaan maamulka gobolka uu ku shaqeyn doono xaruntaasi oo haatan dhismaheedo marayo heer gabo-gabo ah.

“Waxaan kormeer guud ku sameyay dhismaha xarunta maamulka Gobolka Shabellaha hoose oo aan ka dhiseyno magaala madaxda Marka, dhawaan si rasmi ah ayuu maamulka sarre ee gobolka ugu shaqeyn doonnaa xaruntan.“ ayuu yiri Madaale Najah.

Sidoo kale wuxuu indho indheyn ku sameeyey dhismaha garoonka kubbadda Cagta Ayuub oo isna marayo meel wanaagsan.

“Waxaan indha-indheyn ku sameyay dhismaha garoonka kubbadda cagta ee Ayuub oo dhawaan si rasmi ah aan u furi doonno.“ ayuu sii raaciyey.

Maalmihii u dambeeyey Najah ayaa dadaallo horumarineed ka waday gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo dhowaan dhagax-dhigay xarunta maamulka deegaanka Janaale, wuxuuna sidoo kale ku qabtay tartan xiiso badan oo Kubadda Cagta ah, kaas oo ay ka qeyb-galeen illaa 8 kooxood oo ka dhisan deegaankaasi.