Sawirro: Guddoomiye Najah oo kulan dadweyne uga qeyb-galay Marka

66

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa ka qeyb galay kulan ballaaran oo lagu qabtay magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Kulanka oo ahaa mid dadweyne ayaa waxaa soo agaasimay maamulka degmada Marka, iyada oo su’aallo ku aadan wax-qabadkiisa lagu weydiinayey guddoomiyaha gobolka.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa gudoomiyaha Marka Cabdullaahi Waafow, Senator Xuseen Cali Xaaji iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed.

Najah oo horumaro ballaaran ka sameeyey dhammaan degmooyinka gobolka, marka laga reebo meelaha ay kuu dhuumaaleysanayaan cadowga Al-Shabaab ayaa ayaa si faah faahsan uga jaawabay su’aalaha shacabka, gaar ahaan intooda weydiiyey su’aalaha gaarka ah.

“Waxaan ka qeybgalay kulan uu soo Agaasimay Maamulka Degmada Marka leyguna weydiinayay su’aalo ku saabsan shaqooyinka aan ka qabanay Degmooyinka Gobolka Shabellaha hoose iyo kuwa hada noo qorsheysan.” ayuu yiri guddoomiye Najah.

Sidoo kale wuxuu intaasiku daray “Dhalinyaradda aya si kal-sooni ku jirto ii weydiiyay su’aalo furan oo aan ugu Jawaabay,waxaan boggaadinaya kulamada noocaan oo kale ah oo ay isku ar-kayaan Maamuladda iyo shacabka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa muddo ku dhow todobaad ku sugan magaallo xeebeedka Marka, isaga oo halkaasi ka wada dadaallo horumarineed iyo kulamo wada-tashi ah oo uu la qaadanayo xubnaha maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.