Sawirro: Guddoomiye Najah oo Marka ku soo xiray tababar muhiim ah

50

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar muhiim ah oo dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ka socday magaalada Marka ee caasimadda gobolka Shabeelaha Hoose.

Tababarkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa lagu baranayey maamulka iyo maareynta, gaar ahaan daadajinta hanaanka maamulka iyo wada shaqeynta heer degmo iyo deegaan.

“Waxaan magaaladda Marka ku soo gaba-gabeynay Tababar lagu baranayay Daadajinta hanaanka maamulka iyo wada shaqeynta heer degmo iyo Degaan.” ayuu yiri Najah.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ugu tala-galay inuu ku xoojino aqoonta gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa deegaanada.

Waxa kale oo xubnihii ka faa’iideystay siminaarkaasi dhammaantood la guddoonsiiyey shahaado sharaf qiimo badan.

“Tababarka ayaan ugu tala-galnay inaan ku xoojino aqoonta Gudoomiyaasha deegaanada iyo Degmada ,Shahaado sharaf ayaan guddoonsiinay dhamaan ka qeyb-galayaashii tababarka.” ayuu sii raaciyey guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada horumarineed ee uu Madaale Najah ka wado guud ahaan gobolka.