Sawirro: Guddoomiye Najah oo tababar muhiim ah ka furay magaalada Marka

72

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa maanta tababar ka furay gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Siminaarkan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa loo furay mas’uuliyiinta maamulka degmada Marka iyo deegaanada ku xeeran, si sare loogu qaado howlaha maamulka iyo maareynta.

Guddoomiye Najah oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin mar weliba sare u qaadida tababarada noocaan oo kale oo loo siinayo maamullada degmooyinka.

”Waxaan maanta Daah-furnay Tababar Maamulka Gobolka Shabellaha hoose u qabtay Maamulka Degmada Marka iyo deegaanada hoosyimaada kuna saabsan Maamulka iyo Maareynta degmada Marka iyo deegaanada hoosyimaada.“ ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ”innaga oo kaashaneyna maamuladda Degmooyinka iyo deegaanada waxaan Daa-dajineynaa nidaamka Dowliga ah.“

Dhinaca kale Najah oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dib u soo celiyeen adeegyada aas aasiga ah ee bulshada Marka, sida caafimaadka, waxbarashada, bilic soo celinta oo ay ugu horreyso leerarka cadceeda ee la geliyey jidadka magaalada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo alaaba Madaale loogu yeero ayaa u taagan horumarinta dadka iyo deegaanka, wuxuuna haatan mashaariicyo horumarineed ka wadaa gudaha magaallo xeebeedka Marka.