Sawirro: Guddoomiye Najah oo tababar u furay dhalinyarada magaalada Marka

37

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) oo weli ku sugan Marka ayaa maanta tababar u furay dhalinyarada ku sugan gudaha magaaladaasi.

Tababarkan ayaa ku saabsan xoojinta garaadka dhalinyarada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxaa tababarkan dhalinyarada lagu barayaa sidii ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka degmada iyo ciidanka, si looga faa’ iideysto aqoontooda.

“Waxaan maanta magaaladda Marka ka Daa-furay Tababar an ugu talagalnay inaan ku tayeeyno dhalinyarrada magaalada Marka iyo xoojinta sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Maamulka Degmada iyo Ciidamada Amaanka.” ayuu yiri guddoomiye Ibrahim Adan Ali (Najah).

Waa tababarkii labaad ee uu guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ka furayo labo todobaad gudahood magaalada Marka oo uu u joogo howlo shaqo oo aad muhiim ah.