Sawirro: Guddoomiye Najah oo tababar u soo xiray dhalinyarada Marka

129

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa soo xiray tababar uu 21-kii bishan September u furay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Marka.

Tababarka ayaa ahaa mid aqoonta iyo garaadka loogu kordhinayey dhalinyaradaasi, waxaana casharada bixinayey macalimiin leh qibrad aad u fog.

Sidoo kale waxaa dhalinyarada lagu wacyi-geliyey, sidii ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka degmada iyo ciidanka ammaanka.

“Waxaan si rasmi ah u soo xiray Tababar lagu dhiira-gelinayay Dhalinyaradda magaalada Marka.” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Najah ayaa intaasi ku daray in dhammaan degmooyinka gobolka la gaarsiin doono tababarkaasi, si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada ku dhaqan gobolka Sh/Hoose.

“Dhamaan Degmooyinka Gobolka ayaan gaarsiin doonna tabbabaradda noocaan oo kale ah si aan u tayeeno awooda dhalinyaradda.” ayuu sii raaciyey Madaale Najah.

Si kastaba ha’ahaatee siminaarkan ayaa noqonaya kii labaad ee uu guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ka furo, kuna soo xiro magaalada Marka oo uu haatan u joogo howlo shaqo.