Sawirro :Gudoomiyaha Baarlamanka KGS oo la kulmay wafdi ka socda Wasaarada Arrimaha Dastuurka JFS.

35

Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ahna kusimaha Madaxweynaha Dowladda KGS Mudane Dr Cali Saciid Faqi ayaa hoygiisa ku qaabilay Wafdi kasocday Hay’adaha u xilsaaran Dib-U-Eegista Dastuurka Dalka JFS,

Wafdigaan ayaa waxaa  horkacaaya Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dastuurka JFS Mudane Saalax Ahmed jamac, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dastuurka KGS Mudane Mohamed Abdiraxin iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dastuurka KGS.

Wasaaradda Dastuurka ,Guddiga La- socodka iyo Dib-U-Eegista Dastuurka ee BJFS,  Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka oo shalay  baydhabo u yimid dardargelinta dib u eegista dastuurka.

 Wafdigaan ayaa waxa ay magaalada beydhabo ka bilaabeyn kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshada ku nool deegaanada Maamulkaasi.