Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaaladda Baydhabo ee Caasimada KMG ee Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed soomaaliya .
Gudoomiye Siidi ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfurgalbeed,Ra’isulwasaaraha Dalka iyo Masuuliyiin kale,
Gudoomiyaha gobolka shabelladda Hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa Mudada uu joogo Magaalada Baydhabo waxa uu la kulmi doonaa mas’uuliyinta kale ee Dowlad goboleedka KGS ,iyadoo sidoo kale uu ka qeyb geli doono shir looga hadlayo hormarinta Degmooyin Koonfurgalbeed oo dhawaan ka Furmi doono Magaalada Beydhabo