Sawirro: K/Galbeed iyo DF oo ka wada-hadlay Shidaal soo saarista arrimo kale

23

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowlada Goboleedka KGS Mudane Cabdulaahi Sheekh Xuseen ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee DFS Mudane Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.

Labada Agaasime oo ku kulmay Xafiiska Wasaaradda Batroolka ee DFS ee Muqdisho ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta wadashaqeynta 2da wasaaradood iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa howlaha waaweyn ee la xiriira arimaha Shidaal Soo Saarista ee nagu soo food leh.

Sidoo kale waxaa Agaasimaha ku weheliyay Kulanka Iqra Cabdirashiid oo ka mid ah Geologists ka Wasaaradda la shaqeeya.