Sawirro: Khadar oo la kulmay madaxda W/difaaca iyo hoggaanada Ciidamada

26

Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaarada XFS, mudane; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hoggaannada Ciidamada Qaranka.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka , Janaraal; Odowaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaanka qeybaha dalka ayaa waxaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammaystirka dib u habaynta Ciidamada.