Sawirro: Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay madaxweynaha Jabuuti

47

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Jabuuti ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo doorashooyinka 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sida ugu dhow ee looga gudbi karo marxalada kala guurka ah ee uu xilligan ku jiro dalka.

Khayre ayaa ka mid ah musharraxinta u taagan xilka madaxweynaha ee ku tartamaya doorashada soo socota ee madaxtinimada Soomaaliya.