Sawirro: Kulan lagu taageerayey Ra’iisul wasaaraha oo lagu qabtay Muqdisho

50

Manaasabadaan oo ujeedkeedu ahaa soo dhaweynaynta Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa  ka soo qeyb galay Haweenka, Culimaa’udiinka, Nabadoonada, siyaasiyiinta iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana soo qaban qaabiyay dhallinyarada beesha Galmaax Yoonis.

Qaar ka mid ah kasoo qeyb galayaasha oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxayna ka dalbadeen in saamigi ay ku lahaayeen siyaasadda uu ka siiyo Xukuumaddiisa cusub ee uu soo dhisayo.

Cabdiqaadir Maxamed Cali oo ka mid ah lataliyeyaasha Madaxtooyada Qaranka ayaa soo dhaweyn kaddib Madaxda Qaranka ka rajeeyay in ay dhageysan doonaan cabashadooda ku aadan helidda saamiga ay ku leeyihiin hogaaminta siyaasadda dalka.