Sawirro: Lafta Gareen oo caawa munaasabad ballaaran uga qeyb-galaya Muqdisho

74

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow gaaray hoyga wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ay ka dhaceyso munaasabad loo qabanayo madax goboleedyada dalka.

Munaasabadda oo ah casho sharaf ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah sii hayeyaasha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha munaasabadda ka qeyb-galaya ayaa khudbado kala duwan ka jeedin doono madasha.

Madaxweyne Lafta Gareen iyo Madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada ayaa Muqdisho uga qeyb-galay shirka arrimaha doorashooyina oo jawi fiican ku so dhamaaday.