Sawirro: Lafta Gareen oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada K/Galbeed

39

Madaxweynaha dolwad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta guddoomiyey shirka golaha wasiirada maamulkaasi oo looga hadlay arrimo kala duwan.

Ugu horreyn Madaxweyne Lafta Gareen ayaa golaha uga warbixiyey safarkiisii Dhuusamareeb iyo ka qeyb-galka wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay wasaaradda amniga oo faah-faahin ka bixiysay dagaalladii ugu dambeeyey ee dhacay iyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka Koonfur Gallbeed Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada ayaa sidoo kale golaha wasiirada uga warbixiyey imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaaday wasaaradda, kaas oo todobaadkan la shaaciyey natiijadiisa.

Shirka golaha wasirada Koonfur Galbed ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray arrimaha fatahaadaha ee ka jira gobolka Sh/Hoose & sidii loogu gurman lahaa shacabka.

Ugu dambeyn golaha ayaa ansixiyey xeerka shaqaalaha oo ay todobaadkii hore soo gudbisay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.