Sawirro: Lafta Gareen oo guddoomiyey shirka Golaha wasiirka Koonfur Galbeed

25

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa shir gudoomiyey kulanka khamiislaha Golaha Wasiirada maamulkaas oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah, iyadoona warbixino kala duwana laga dhegeystay wasiiro ka tirsan Golaha.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday arrimaha Amniga, Cadaalada, Haweenka,
Warfaafinta iyo Kaluumaysiga.

Warbixinada lagu soo bandhigay shirka ayaa waxaa lagu boggaadiyey horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay Koonfur Galbeed iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabo.