Sawirro: Lafta Gareen oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka K/Galbeed

57

Madaxweynaha dowlad goboleedkaKoonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka oo ahaa Qado Sharaf ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta maamulka Koonfur Galbeed iyo dhaqanka.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac iska xog wareysteen xaaladaha deegaanka & sidii hore loogu sii amba-qaadi lahaa horumarka ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudddooyinkii la soo dhaafay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waday kulamo wada-tashiyo ah, isaga oo horey ula kulmay culimada ku dhaqan magaalada Baydhabo.