Sawirro: Lafta Gareen oo la kulmay guddiga amniga Koonfur Galbeed

37

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddiga amniga ee maamulkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii kooxda looga xoreyn lahaa gobollada Shabeelaha, Baay iyo Bakool, gaar ahaan deegaanada ay ka heystaan.

Waxaa sidoo kale shacabka loogu baaqay inay ka qeyb-qaataan howlaha lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaanada maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay Sarakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.