Sawirro: Lafta Gareen oo qaabilay wafdi ka socday DF Soomaaliya

53

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey wasiirka maareynta iyo musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamze Siciid Xamze, waxaana wehlinayey xildhibaano.

Lafta Gareen ayaa wasiir Xamze iyo wafdigiisa kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha fatahaadaha ee ka jira gobolka Sh/Hoose iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Dhinaca kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa maanta kormeer kadis ah ku tegay xarunta wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

U jeedka booqashada ayaa aheyd mid uu Madaxweynaha ugu kuur galayey hab-sami u socodka shaqooyinka wasaaradda.

Sidoo kale wuxuu kulan gaar ah la qaatay howl-wadeenada wasaaradda maaliyadda, isaga oo kala hadlay horumarinta arrimaha maaliyadda iyo saameynta dhaqaale ee ka dhalatay Covid-19

Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ku tallaabsaneysay horumar dhinacyo kala duwan leh, waxaana muuqda is-bedal ballaaran oo laga dareemayo deegaanada maamulkaasi.