Sawirro: Lafta Gareen oo xildhibaano iyo wasiiro kula kulmay Muqdisho

52

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay guddoonka Golaha Shacabka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda maamulkaasi.

Kulan ayaa ahaa qado sharaf uu xildhibaanada iyo wasiirada u sameeyey Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidoo kale wuxuu kulanku ahaa mid ay ku kala war qaadanayeen Madaxweynaha iyo Xildhibaanada labada Aqal ee deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa kula dar-daarmay xildhibaanada iyo wasiirada uu la kulmay inay ka shaqeeyaan danaha guud ee Qaranka, islamarkaana ay garab istaagaan Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Lafta Gareen ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu uga qeyb-galay shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.