Sawirro Maamulka gobolka Sh/Hoose oo deeq raashin ka qeybiyey duleedka Marka

62

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee uu horkacayo guddoomiye Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyey magaalada Marka, taas oo loo qeybiyey dadka danta yar ee ku dhaqan deegaanada Buufow Bacaad iyo Cusmaan Quunle.

Deeqdan oo aheyd mid aad ugu baahnaayeen dadkaasi ayaa waxa ay kaga mahadceliyeen guddoomiye Najah, waxayna ku amaaneen, sida uu mar welib uga war-hayo.

Sidoo kale waxaa goobta raashin qeybinta goobjoog ahaa gudoomiyaha degmada Marka Cabdullahi Cali Axmed (Waafow) iyo gudoomiyaha Samafalka degmadaasi, Cali Aadan Cusmaan (Akalow).

Ma’ahan gargaarkii ugu horreeyey ee uu maamulka gobolka Shabeelaha gaarsiiyo, waxaana deeqdan raashinka ah ay qeyb ka tahay dadaallada kala duwan ee uu horkacayo guddoomiye Najah ee loogu gargaaro dan-yarta iyo sidoo kale dadka ay saameeyeen fatahaadaha.