Madaxweynaha JF Soomaaliya oo maanta gaaray dalka Eritrea + Sawirro

35

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ka soo amba-baxay magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ayaa waxaa si diiran garoonka diyaaradaha Asmara ugu soo dhoweeyey dhiggiisa wadanka Eritrea, Isaias Afwerki.

Sidoo kale booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadan doonto muddo labo cisho ah, sida ay xaqiijisay xukuumadda Asmara.

Waa booqashadii saddexaad ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ku tegayo Asmara, kadib markii oo xoogeystay xiriirka Eritrea iyo Soomaaliya.