Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Garoowe

98

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wafdiga Axmed Madoobe oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan Jubbaland ayaa waxaa Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in u jeedka safarka Axmed Madoobe uu la xiriira shir uu halkaasi kula leeyahay dhiggiisa Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni), kaas oo diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 20/21.

Jubbaland iyo Puntland oo aan ka qeyb-galin wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa meel adag iska taagay heshiiskii Dhuusamareeb.