Sawirro Madaxweynaha K/Galbeed oo la kumay Culimada Baydhabo

120

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Culima-U-Diinka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Lafta Gareen oo kulan saacado badan la qaatay Culimada ayaa la yeeshay is-xog wareysi muhiim ah, wuxuuna kala hadlay xaaladda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday, sidii ay door wanaagsan Culimada uga qaadan laheyd arrimaha wacyi-gelinta ee bulshada ku nool deegaanada maamulkaasi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay bahda Culimada ee uu la kulmay inay ka shaqeeyaan horumarka iyo xasiloonida deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan la-tashigan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay falal ka baxsan sharciga, sida Kufsiga ay ku soo badanayeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.