Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

62

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si diiran Madaxweynaha ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Shaati-Gaduud.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa booqasho dhowr cisho qaadatay maalmahan ku joogay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka qeyb-galay shirkii wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo heshiis rasmi ah looga gaaray doorashada 2020/21.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa door weyn ku lahaa ka miro dhalinta natiijooyinka waxtarka u leh bulshada ee ka soo baxay shirkaasi.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale intii uu joogay magaalada Muqdisho la kulmay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada mucaaradka, hoggaanka hay’adda socdaalka jinsiyadaha, xildibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Socdaalka guuleystay ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horseed u noqday guulo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyada oo si gaar ah loogu boggaadiyey dadaalladaasi.