Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

46

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dib ugu laabtay gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada ku meel gaarka ah ee maamulkaasi.

Lafta Gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed, saraakiisha amniga iyo boqolaal shacab ah.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka soo laabtay Dhuusamareeb oo uu uga qeyb-galay wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada.