Sawirro: Madaxweynaha K/ Galbeed oo weli kulamo ka wada Muqdisho

75

Madaxweyanaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) aya caawa qaabilay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Lafta Gareen ka dagan yahay Muqdisho ayaa ahaa mid booqasho ah oo ay Koofi iyo ku xigeenkiisa ugu tageen Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ahaa xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo qeyb ka ah socdaalka Lafta Gareen ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Caawa kulan la qaatay Agaasimaha iyo Agaasime ku xigeenka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaaliya oo Booqasho ugu yimid.“ ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.