Sawirro: Madaxweynah KG oo la kulmay taliyaha ciidamada Xoogga dalka

41

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo booqasho ugu yimid.

Madaxweynaha ayaa Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray la-dagalaka alshabab  ka dhagaystay Taliyaha waxaana uu tilmaamay Generaal Odowaa in cadowga Alshabaab qasaaro iyo jab xoogan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed Ciidanka Xoogana ay wadaan sidii guud ahaan Dalka looga sifeyn lahaa Alshabaab Dhowaana ay bilaabi doonan Furida wadooyinka iyo Xureynta Goobaha ay kaga harsanyihiin Argigixisada Deeganada Koonfur Galbeed .

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Taliyaha uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid waxaana uu bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xooga Dalka ee lagu si feynayo Argigixisada ee ka socda Guud ahaan Dalka waxaana uu Xusay Madaxweynaha in maamulka uu Hogaamiyo ay ka go’antahay sidii Cadowga loogu si feyn lahaa Goobaha ay kaga harsanyihiin Deeganada Koonfur Galbeed.