Sawirro: Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kormeer sameeyey

31

Madaxweyne ku xigeenka Dowladd goboleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid oo malmahan ku hawlanaa kormeerka ku aadan dardargalinta Howlaha Wasaaradaha ayaa maanta tegay Xarunta Wasaaradda Dakadaha & Kaluumeysiga Galmudug.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradaas Cabdi Daahir Xuseen oo xarunta ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka ayaa siiyey warbixin guud oo ku saabsan Wasaaradda Dakadaha & Kaluumeysiga Galmudug.

Intaa kaddib, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Mudane Cali Dahir  ayaa soo indha-indheeyey qaybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda, isagoona bogaadiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda.

Sidoo kale, Wuxuu faray masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada wasaarada iney dardargeliyaan hawlaha loo igmaday.